Beesha Murusade oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega bartamaha Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo ay beeshu u diyaarisay difaaca ku dhaqanka shareecada islaamka, kaddib munaasabad qiimo badan oo ka dhacday deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Ciidamadan ayay beesha Murusade kusoo bandhitay deegaanka Jacar ee hoostaga degmada Ceelbuur, kuwaas oo ay beeshu u diyaarisay inay qayb ka noqdaan ciidamada difaaca ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Galgaduud.
Ugaaska guud ee beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Daahir iyo nabadoonnada beesha oo ka hadlay munaasabada ay kusoo bandhigayeen ciidamada difaaca shareecada islaamka, ayaa wacad ku maray inay la dagaalami doonaan cid walba oo ku soo duusho deegaannadooda, isla markaasna ay naf iyo maal ku bixinayaan sidii looga hortegi lahaa saliibiyiinta iyo maleeshiyaadka kusoo duulay shareecada Islaamka.
Halkan Ka Dhagayso Codadka Ugaaska Iyo Nabaddoonnada.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Bandhigga Beesha Ee Ciidamada.