Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay weerar culus ku qaadeen isbaarada maleeshiyaadka Riddada ay ka deganyiin deegaanka Yaaq-bariweyne, waxaana halkaasi Allaah fadligiis lagu dilay 4 xubnood oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo murtad ah, waxayna mujaahidiintu soo qaniimeysteen saddex qori oo AK47 ah iyo booshashkooda iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.
Dhanka Mandheera ee dhulka NFD, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku mireen saldhig ciidan oo askar ka tirsan maleeshiyaadka Soomaalida ah ee ay tobaratay dowladda kaafiradda ah ee Kenya ee Home-Gaurd ay ku leeyihiin deegaanka Sukela Tinfi oo hoostaga degmada Ceel-Qaalow ee gobalka Mandheera.
Dagaal kooban kaddib waxaa gabi ahaanba deegaankaasi isaga cararay maleeshiyaadkii ku sugnaa, waxayna ciidanka mujaahidiintu burburiyeen dhismihii ay sharikadda Safaficom ku lahayd deegaanka.
Dhanka gobolka Laamu, waxay ciidanka mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta Kenya ka deganyihiin deegaanka Kiyunga ee dhaca gobolka Laamu, waxayna ciidamada mujaahidiintu burburiyeen shirkadda korontada ee magaalada Kiyunga.