Ciidamada Jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Jubbooyinka waxay weerar qorsheysan oo toos ah ku qaadeen barta Kantarool ee ay maleeshiyaadka murtadiintu ka ilaaliyaan xerada ay ka deganyihiin Baarsanguuni oo dhacda duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkaan barakaysan waxay Allaah fadligiis mujaahidiintu ku dileen tiro maleeshiyaad murtadiin ah, waxayna ciidamada mujaahidiintu dul istaageen meydadka illaa 5 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo ay goobta dagaalka uga carareen maleeshiyaadka Riddada, waxay sidoo kale mujaahidiintu soo qaniimeysteen 5 qori oo AK47 ah iyo qori PKM ah.
Dhanka Laamu ee ku hoos jira gumeysiga Kenya, waxay tafaasiil dheeraad ah kasoo baxaysaa weerar qorshaysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Kiyunga ee dhaca gobalka Laamu, waxaana khasaaraha dhimasho ee saliibiyiinta uu gaaray 6 askari oo uu ku jiray taliyihii saldhigga ee deegaanka, halka dhaawacana uu gaaray 7 askari oo ka mid ah kuffaarta Kenya.