Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray howlgalka ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqayo ciidan oo ka dhan ah shacabka ku dhaqan duleedka caasimadda.
Hoos Ka Akhriso Bayaanka Taliska Ciidanka.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Sabti ah, hawgal kamiin ah ka fuliyeen duleedka Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir. Kamiinka oo billawday barqanimadii maanta waxay Mujaahidiintu u dhigeen kolonyo ciidamo murtadiin ah oo laga soo diray xarumaha sirdoonka kooxda ridada ee gudaha Muqdisho si ay u soo dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan duleedyada caasimada.
Ciidamada Mujaahidiinta oo si wanaagsan ula socday dhaqdhaqaaqa cadawga iyo dhagarta uu damacsanyahay ayaa kamiinka u dhigay agagaarka halka loo yaqaano beerta Cali Mahdi ee duleedka Muqdisho.
Khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa cadawga kasoo gaaraty kamiinka, waxaana dadka halkaas ku halaagsamay kamid ah labo sargaal oo ahaa kuwii hogaaminayay murtadiinta la beegsaday, taliska ciidanka ayaa ugu dambayn sheegay inuu dib kasoo gudbin doono wixii soo kordha.