Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab waxay maanta weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka magaalada Beledweyne ku beegsadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan hal askari oo murtad ah, halka tiro kalana lagu dhaawacay.
Dhanka Jubbooyinka, waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal xooggan ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Kenya ay kaga suganyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka wilaayada Bakool, waxay ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayadaas weerar abaabulan ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta xabashida Itoobiya ee degmada Xudur, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkan ayaa laga maqlayay xaafadaha magaaladaas.