Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in dhul go’o ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay deegaan ka tirsan waqooyiga waddanka Hindiya, kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka da’een roobab mahiigaan ah.
Saraakiisha dowladda Hindiya ayaa sheegay in illaa hadda ay xaqiijiyeen dhimashada ugu yaraan 60 qof, waxaana suuragal ah in khasaaraha dhimasho uu kasii kordho lixdanka xubnood, maadaama dad badan ay la ildaranyihiin dhaawacyo kala duwan oo kasoo gaaray dhul go’a.
Waaxda saadaasha hawada ee xukuumadda uu fadhigeedu yahay New Delhi ayaa sheegtay in ku dhawaad nus mitir ay 24 saacadood gudahood ka da’ayeen roobab mahiigaan ah, kuwaas oo gaystay khasaaraha ugu badan.
Dowladda Hindiya ayaa xaalad deg deg ah oo dheeri ah kaga dhawaaqday 2 gobol, waxayna sheegtay inay gurmadka iyo samata bixinta sii wadi doonto, dadka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha halista ah.