Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qarax ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, oo ku sugnaa gudaha deegaankaas.
Qaraxan waxay si gaar ah ciidamada mujaahidiintu ula beegsadeen maleeshiyaadka Riddada ee kooxda Riddada ay ku wareejisay amniga caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo tababaray waddanka Yugaandha, waxaana inta la hubiyay qaraxan ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkaas murtadiinta ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo mid xaaladdiisu tahay mid garaab ah.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa qayb ka ah howlgallada jihaadiga ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka murtadiinta.