Mujaahidiintu waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Dayniile ee Muqdisho ku khaarajiyeen murtad lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Yariisow, kaasi oo ahaa guddoomiye Waaxeeed ka tirsanaa maamulka Riddada ah ee Deyniile, sidoo kale waxay mujaahidiintu qarax culus la beegsadeen fariisinka maleeshiyaadka Riddada ee xaafadda Taleex degmada Hodan ee caasimadda Soomaaliya,
Dhanka Jubbooyinka, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax xooggan ku weerareen xarunta maamulka Riddada ah ee magaalada Kismaayo, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari murtadiin ah.
Dhanka Sh/hoosena, waxay mujaahidiintu qarax la beegsadeen ciidamo saliibiyiin Yugaandhees Lug ah, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Buulo-mareer iyo deegaanka Golweyn, ugu yaraan 5 aslari oo ka tirsanaa saliibiyiinta ayaa lagu dilay qaraxan.
Docda kale waxay ciidamo ka tirsan mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka degmada Buurhakabo, waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana dhaawacyadooda la hubiyay 2 askari.