Magaalada Muqdisho waxay ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen howlgal qorsheysan, kaasi oo lagu dilay sarkaal ciidan oo ka tirsanaa sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalka oo si gaar ah uga dhacat degmada Wadajir waxay mujaahidiintu ku dileen Korneel Cali oo ahaa sarkaal ka tirsanaa sirdoonka kooxda Ridada Soomaaliya, waana sarkaal dhibaato xooggan ku hayn jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan caasimadda.
Dhanka Jubbooyinka, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar isugu jiray qarax iyo dagaal tpoos ah ku beegsadeen maleeshiyaad ku sugnaa duleedka degmada Afmadow, waxaa inta la xaqiijiyay howlgalladan ku dhaawacmay 2 askari oo murtadiin ah.
Howlgalkan qaraxa iyo dagaalka tooska ah isugu jira ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ay dagaal culus ku ekeeyeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.