Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe howlgal culus oo cagmarin ah ku qaaday saldhigyadii maleeshiyaadka murtadiinta degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho. halkaas oo lagu beegsaday xarumo iyo saldhigyo ciidan.
Howlgalka oo ku billowday camaliyad Istish-haadi ah ayaa Allaah fadligii waxaa mujaahidiinta u suuragashay inay si buuxda ula wareegaan saldhigga degmada Kaxda, saldhigga la beegsaday waxa uu si gaar ah fariisin ugu ahaa maleeshiyaadka loogu yeero Boolis Milataaro iyo kuwa Haramcad isugu yeera, halkaas oo lagu dilay askar farabadan, qaar kalena nolosha lagu qabtay. Waxaa kale oo weerarka lagu gubay gaadiid ciidan halka lagu qaniimaystay hub iyo saanad ciidan.