Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay mujaahidiintu ku qaadeen xero ciidanka saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin magaalada Bandhanguwa ee gobalka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya gumeysato, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi lagu dilay 6 askari oo Kenyaan ah, halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu howlgalka kaddib gubeen oo ay burburiyeen xarunta shirkadda safaaricom oo ah shirkad ay magaaladaasi ku lahaayeen saliibiyiinta Kenya.
Dhanka waxaa faahfaahin laga helayaa weerar ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen Tuulo ay dagganyihiin dad Kiristaan Kenyaati ah, taasi oo kutaal meel u dhow magaalada Jihudi ee gobalka Laamu, waxaana howlgalkaasi Allah fadligiis lagu dilay 3 xubnood oo gaalo kenyaanti ah, halka ay mujaahidiintu gabi ahaan ba gubeen guryihii iyo Kaniisaddii saliibiyiinta Kenya ay kulahaayeen tuuladaasi.
Dhanka kale howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiint ka fuliyeen xaafadda suuqa xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay askari caanshuur qaade murtad ah, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Cumar Cali.