Iska hor’imaadyo culus oo u dhaxeeya maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo dhowr fariisin looga qabsaday maamulka la magac baxay Somaliland.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayay dhinacyadu isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, dadka deegaanku waxay sheegeen in maleeshiyaadka maamulka Riddada Soomaaliland ay kala wareegeen fariisinkii ay kulahayeen maraaga oo dhaca duleedka bari ee magaalada Laascaanood, halkaas oo uu maamulka Soomaaliland kasoo weerari jiray Laascaanood.
Sawirro ay kasoo qaadeen aagaggii lagu dagaalamay ayaa muujinaya gaadiid ay goobta dagaalka uga carareen ciidanka Somaliland, dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaadiid, hub iyo maxaabiis ay ku qabteen dagaalladii ay la galeen maamulka Muuse Biixi.
Maamulka isku magacaabay Somaliland, dhankiisa wali wax war ah kama soo saarin dagaallada saldhigyada looga qabsaday ee ka dhacay duleedka Laascaanood, wararka qaar ayaa sheegaya in la qabsaday saldhigga Goojacadde oo dhanka bari kaga beegan Laascaanood, kaas oo lagu sheego inuu yahay taliskii ugu waynaa ee Soomaaliland ay kaga sugnaayeen gobolka Sool.