Duullaankii cagmarinta ahaa ee saaka Allaah fadligiis lagu soo afjaray saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Cowsweyne ee wilaayada Galgaduud, waxaa qayb ka ahaa oo kaalintooda muujiyay ciidamada difaaca shareecada islaamka ee beelaha Murusade, Maxamuud Hiraab iyo Wacaysle, kuwaas oo ka garab dagaallamayay ciidamadii mujaahidiinta ee xasmiyay saldhigyada Riddada ee deegaankaas.
Ugaas Cabddullaahi Daahir Axmed oo ah ugaaska guud ee beesha Murusade, ayaa sheegay in ciidanka beeshiisu ay qayb ka ahaayeen ciidamadii difaaca shareecada islaamka ee ka barbar dagaallamay ciidanka mujaahidiinta, isagoo xusay in halkaasi lagu baabiyay maleeshiyaad fara badana indhihiisana uu saaray qayb ka mid ah gaadiidkii lagu soo qaniimeystay weerarka, nabaddoonMire Cagdheer oo ka mid ah nabadoonnada beesha Maxamuud Hiraab ayaa isagana ka warbixiyay kaalinta ay beeshiisu ku lahayd weerarkii cagmarinta ee Cowsweyne, Nabaddoon Xaaji roog oo isagana ka mid ah nabadoonnada beesha Wacaysle ayaa ka warbixiyay kaalinta beeshiisa ee duullaankii lagu kala baxay ee Cowsweyne.
Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Ugaaska Beesha Murusade.