Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab islamarkaana uu faafiyay maktabka warfaafinta ayaa looga warbixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka ciidanka mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee deegaanka Cowsweyne.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in illaa 3 saldhig oo ay degganaayeen 1,500 oo askari ay mujaahidiintu ku beegsadeen weerarkii Cowswene, 3-da saldhig ayuu talisku sheegay inay si buuxda ula wareegeen mujaahidiinta, halkaasna Allaah fadligiis lagu dilay 178 askari oo murtadiin ah iyo dhaawacyo intaas kasii badan, waxaa sidoo kale murtadiinta laga qabtay maxaabiis dagaal, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan mujaahidiinta.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa sidoo kale sheegay in mujaahidiintu Allaah fadligiis ay qaniimeysteen dhamaan qalabkii iyo saanaddii ciidan ee taallay saldhigyada murtadiinta ee deegaanka Cawsweyne, kuwaas oo ay ku jiraan
gaadiidka gaashaaman iyo gawaarida loo yaqaano tiknikada ee qoryuhu ku rakibanyihiin.
Halkan Ka Dhagayso Bayaanka Oo Dhamaystiran.