Afhayeenka ciidamada mujaahidiinta Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu goordhow qabtay ku faahfaahiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee ay saakay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee deegaanka Cowsweyne ee wilaayada Galgaduud.
Afhayeenka ciidanka ayaa xaqiijiyay in weerarkii saaka lagula wareegay deegaanka Cowsweyne lagu dilay 178 askari, kuwaas oo ah tirada horudhaca ah ee ay mujaahidiintu ku arkeen goobta dagaalka, halka dhaawacana uu intaas kasii badan yahay, gaadiid dagaal iyo maxaabiisna looga qabsaday murtadiinta.
Sheekh Abuu Muscab ayaa shirkiisa jaraa’id ku bogaadiyay doorka ay ciidanka difaaca shareecada islaamka ee WI ah ee Galgaduud ka qaadanayaan duullaanada looga hortagayo gulufka ka dhanka ah shareecada islaamka ee wilaayada Galgaduud ay kusoo qaadeen saliibiyiinta iyo murtadiinta.
Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta Sheekh Abuu Muscab ayaa maleeshiyaadka murtadiinta ugu bishaareeyay inay la kulmi doonaan maalmo qaraar oo murugo badan, deegaannada sida habqanka ah loogu soo daabulayna ay qabuuro u noqon doonaan.