Cali Aadan Xuseen oo ka mid ah maleeshiyaadkii murtadiinta ee iyagoo nool lagu qabtay weerarkii cagmarinta ahaa ee shalay ka dhacay deegaanka Cowsweyne ee wilaayada Galgaduud ayaa ka warbixiyay wixii ku qabsaday difaacyadii ay kaga sugnaayeen deegaankaas iyo qaabka gacanta loogu soo dhigay,
Askarigan ay gacanta ku hayaan mujaahidiinta oo waraysi siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa ugu horayn ka sheekeeyay halaaggii maleeshiyaadkiisa ku qabsaday deegaanka Cowsweyne, waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada ee loo yaqaan Copy Axmaaro ee ay tabobartay dowladda Itoobiya, kuwaas oo qayb ka ahaa maleeshiyaadkii cagta lagu mariyay saldhigyadan.
Maleeshiyaad badan oo saaxiibadiisa ah ayuu sheegay in maydadkooda la waray goobta dagaalka, halka kuwa kalena iyagoo nool gacanta lagu soo dhigay.