Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa faray dadka deegaanka iyo mujaahidiintooda inay xabaalaan maydadka maleeshiyaadkii murtadiinta ee lagu xasuuqay weerarkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Cowsweyne ee wilaayada Galgaduud.
Waaliga ayaa sheegay in bakhtiyo aad u fara badan oo ka mid ahaa murtadiinta ay weli dhex daadsan yihiin xerooyinkii ay mujaahidintu cagta ku mariyeen maleeshiyaadka Riddada, halkaas oo Allaah fadligiis looga dilay 178 askari, Sheekh Abuu Khaalid ayaa dadka ku dhaqan deegaanka iyo maamulkooda islaamiga ahba ku amray inay asturaan oo ay xabaalaan maydadka maleeshiyaadkaasi.