Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Galgaduud ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Galcad ee wilaayada Galgaduud, taas oo ka mid ah deegaannada ay sida qar iska tuurka ah kusoo galeen ciidamada huwanta ah ee uu Maraykanku ku galbinayay diyaaradiisa dagaalka.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta ayaa soo sheegay in degmadan ay gacan ku haynteeda si buuxda ugu soo dhacday mujaahidiinta, kaddib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa, waxaana magaaladaasi dib looga taagay raayada Rasuulka Allaah SCW.
Firxadka maleeshiyaadkii murtadiinta ee isaga cararay Galcad ayaa goordhow gaaray deegaanka Al-Kowthar ee ka tirsan wilaayada Sh/dhexe, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii maleeshiyaadka Riddada ay isaga carareen deegaanka Budbud iyo degmada Wabxo oo dhammaantood ka wada tirsan wilaayada Galgaduud. waxayna firxadka maleeshiyaadkan ka dambeeyeen kaddib cagmarintii Cowsweyne.