Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka weerar qorsheysan oo burcad sifeyn ah ku qaaday isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay inta u dhaxayso degmada Ruunirgood iyo deegaanka Nuur Dugle ee ka tirsan wilaayada Sh.dhexe.
Saraakiisha ciidanka mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi lagu burburiyey isbaaradii murtadiinta u tiillay Sh/dhexe, maleeshiyaadkii Riddada ee halkaasi ku sugnaa ayaa iyagoo khasaare kala duwan dhabarka ku sita isaga firxaday goobta isbaaradu u tiillay ee lagu weeraray.
Dhanka Banaadir, howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Juungal ee Muqdisho ayaa lagu dilay Maxamed Cabdulle Yalaxow oo ka mid ahaa Ergada Hirshabelle, sidoo kalena ahaa abaabule ka tirsanaa macawiisleyda Sh/Dhexe.
Dhanka Jubbooyinka,waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen saldhigga Riddada ee degmada Afmadoow, waxaana weerarkaasi lagu dhaawacay 6 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo 2 ka mid ah ay saraakiil ciidan yihiin, waxaana uu dab qabsaday qeyb ka mid ah saldhigga.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka Kuffaarta Kenya ee deegaanka Hoosingoow, dhanka Baayna mujaahidiinta ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigga Riddada ee deegaanka Awdiinle ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba.