Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ayaa duqeeyay xabsi ku yaalla deegaanka Dumaaye ee dhaca wilaayada islaamiga ah ee Mudug, halkaas oo ay ku xirnaayeen maxaabiis lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay qaybo kamid ah wilaayada.
Xabsiga ay duqeeyeen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku xirnaa 11 maxbuus, kuwaas oo ay hore Mujaahidiintu ugu soo qabteen dagaallo sannadkii hore ka dhacay deegaanka Wisil ee bariga wilaayada islaamiga ah ee Mudug.
4 kamid ah maxaabiista ayaa la xaqiijiyay inay goobta ku dhinteen, halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 3 ka mid ah dhaawacoodu uu daranyahay, waxaana hadda lagula tacaalayaa goobaha caafimaad ee maamulka Islaamiga ah ee Mudug. Ma jiro wax khasaare kale ah oo ka dhashay duqaynta.