Sheekh Xasan Abuu Xamza oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Mudug ayaa waraysi uu siiyay idaacada Andalus kaga warbixiyay duqayn diyaaradaha dagaalka ee dowaldda saliibiyadda ah ee Maraykanka ay maanta ku beegsadeen xabsi kuyaal deegaanka Dumaaye ee wilaayada Mudug.
Waaliga ayaa xaqiijiyay in duqayntaasi ay beegsatay maxaabiis dagaal oo ay ciidamada mujaahidiintu kusoo qabteen dagaallo sannadkii hore ka dhacay deegaanka Wisil ee dhaca bariga Mudug, 4 ka mid ah maxaabiista ayuu xaqiijiyay inay ku dhinteen duqaynta Maraykanka, halka 7 kalena ay dhaawacyo qabaan, kuwaas oo lagula tacaalayo xarumaha caafimaad ee maamulka islaamiga ah ee wilaayada Mudug.
Sheekh Abuu Xamza ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax khasaare kale oo ka dhashay duqayntaasi ay fuliyeen diyaaradaha saliibiyiinta Maraykanka, dhaawacyda maxaabiista ayuu waaligu sheegay in 3 ka mid ah ay xaaladdoodu culus tahay, halka 4-ta kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud.