Madaxa kooxda ridada Soomaaliya, murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay si toos ah u qirtay in ciidankiisa lagu jabiyey dagaalkii Coosweyne, islamarkaana uu soo gaaray khasaare xoogan oo rucbi iyo argagax ku riday maleeshiyaatkiisa, taas oo ku khasabtay in xitaa ay ciidanku kasoo firxadaan deegaano aysan wax dagaallo ah ka dhicin.
Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in khasaaraha ciidankiisa ku gaaray dagaalka uu ka xanuun badnaa muuqaalka ay baahisay kataa’ib Al-Akhbaariyah ee sida xoogan ugu faafay baraha bulshada iyo mareegaha Internetka. Wuxuu sheegay in sawiradaas ay gaareen ehelada ay ka dhasheen askartiisa, hooyo waliba ay go’aansatay inay wiilkeeda la xiriirto kana soo saarto jaxiimada dagaalka.
Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale qiray inuu ciidankiisu aad u niyad jabay islamarkaana lagu celin waayey furinta dagaalka, sidaas darteedna hadda la keenay xeryihii markii hore laga daabulay ee gudaha magaalada Muqdisho. wuxuu sheegay inay maleeshiyaatku furinta joogeen muddo sanad ah, ayna u waayeen ciidamo bedel ah, sidaas darteedna ay lama huraan noqotay in la fasaxo sida uu hadalka u dhigay.
Hadaba Hadalka Xasan Sheekh muxuu uga dhigan yahay saaxada iyo dagaalka uu sanadka iyo dheeradka kula jiray Mujaahidiinta?, Qodobkaasi waxaa inoo falanqeynaya wariyaheenna Faysal Xasan Cali.