Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii ay ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen deegaanka Daaru-nicma ee wilaaada Sh/dhexe, waxaana inta la xaqiijiyay in weerarkaasi lagu 12 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu gubeen gaari Cabdi bile ah oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada.
Dhanka Gedo, ciidamada mujaahidiintu waxay caawa weerar culus ku qaadeen xerada ciidanka kuffaarta Kenya ee degmada Ceelwaaq, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiinta maanta qarax la beegsadeen gaari cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Riddada, kaasi oo marayay inta u dhaxeysa degmada Ceelwaaq iyo xerada ciidanka Kuffaarta Kenya ay ku leeyihiin duleedka degmadaas, 2 askari oo murtadiin ah ayaa ku dhaawacmay qaraxan, halka gaariga Cabdibilahana uu goobta ku burburay.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu caawa weerar madaafiic ah ku qaadeen xerada ciidanka kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda ay kaga suganyihiin deegaanka Danow oo u dhow magaalada Qoryooley.
Dhanka Galgaduud, ciidamada mujaahidiintu waxay maanta howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayey duleedka magaalada Dhuusamareeb, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka Baay, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal xooggan oo qarax ah la beegsadeen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay xaafadda Daarfuur ee magaalada Baydhaba, waxaa qaraxan ku dhaawacay 2 askari oo murtadiin ah oo midi dhaawiciisu halis yahay, kaasi oo ka go’ay mid ka mid ah labadiisa lugood.
Dhanka NFD, Mujaahidiintu waxay howlgal qarax ah ku burburiyeen gaari Faarow ah oo ay wateen ciidanka Kenya, kaasi oo ku socdaalayay inta u dhexeysa degmada Carabiyo iyo deegaanka Cumar Jilicow ee gobolka Mandheera.
Saraakiisha ciidanka mujaahidiintu waxay inoo xaqiijiyeen in qaraxaasi ay ku dhinteen 2 askari oo Kenyaati ah, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 kale, waxaana goobta kasoo degay 2 diyaaradood oo Helicopter ah, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamada kuffaarta Kenya, Qarax kale oo saacadihii lasoo dhaafay lala beegsaday gaari Taw ah oo ay wateen ciidamada kuffaarta Kenya oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada Warguduudo iyo Ceelqaalow ee gobalka Mandheera, waxa dhimasho iyo dhaawac dhamaan ciidankii la socday, taasi oo keentay in goobta ay kasoo degtaan 2 diyaaradood oo ah nooca kuwa qumaatiga u kaca.