Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ee Maraykanka ayaa dhowaan weerar dhanka cirka ah la beegsaday maxaabiis dagaal oo ay ciidamada mujaahidiintu kusoo qabteen dagaallo sannadkii hore ka dhacay deegaanka Wisil ee dhaca bariga wilaayada Mudug, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 11 maxaabiis ah oo ay gacan ku hayeen ciidamada mujaahidiinta.
Idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa waraysiyo la yeelatay qaar ka mid ah maxaabiistii ka badbaaday duqaynta dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka, kuwaas oo bixiyay xogo ku aadan qaabka ay duqayntu u dhacday, sidoo kalena u jawaabay waziirka waxay ugu yeeraan wazaaradda arrimaha gudaha kooxda Riddada, kaas oo ay isku hayb yihiin maxaabiista uu Maraykanku duqeeyay.
Waxay maxaabiistan sheegeen in muddo 2 sano ah ay ku jiraan gacanta ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab, laguna soo qabtay dagaallo ka dhacay bariga wilaayada islaamiga ah ee Mudug.