Ciidamada mujaahidiinta iyo ciidamada difaaca shareecada ee beesha Maxamuud Hiraab ayaa maanta weerar culus ku qaaday maleeshiyaad murtadiin ah oo duullaan kusoo qaaday deegaannada lagu maamulo shareecada islaamka, gaar ahaan deegaanka Ceelahelay ee wilaayada Galgaduud.
Nabaddoon Mire Wehliye oo ah guddoomiyaha golaha dhaqanka islaamiga ah Galgaduud kana mid ah waxgaradka beesha Maxamuud Hiraab ayaa waraysi uu siiyay Andalus kaga warbixiyay dagaalladii maanta ka dhacay deegaanka Ceelahelay, ee u dhaxeeyay ciidanka mujaahidiinta oo garab ka helayay ciidanka difaaca shareecada oo dhinac ah, iyo maleeshiyaadka Riddada oo dhinac ah, nabaddoonka ayaa sheegay in khasaare kala duwan ay dagaalladaasi kasoo gaareen maleeshiyaadka murtadiinta.