Taliska ciidanka saliibiyiinta Maraykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed isburinaya oo uu soo saaray ku xaqiijiyay xasuuqii ay ciidamada Maraykanku ka gaysteen duleedka deegaanka Oodweyn ee hoostaga degmada Ceel-garas ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, halkaas oo ay saliibiyiintu ku dileen 5 caruur ah iyo eyeeyadood.
Taliska ciidanka saliibiyiinta Maraykana ee Africom ayaa warsaxaafadeedkiisa isburinaya ku sheegay in weerarkaasi bahalnimada ah ay fuliyeen murtazaqada uu ku adeegto ee murtadiinta ah, haddana waxa uu dhanka kale sheegay inay diyaarado ku qaateen maydadka dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen baadiyaha deegaanka Oodweyn.