Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa camaliyad Istish-haadi ah oo saaka ciidanka mujaahidiintu ay ku weerareen guri ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo saraakiil sare oo ka tirsna kooxda Riddada Soomaaliya, taasi oo ka dhacday deegaanka Laas-gacameey ee hoostagta magaalada Wisil.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in camaliyadda lala eegtay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ]ee Galmudug murtad Axmed Qoor, murtad Cabdi qaybdiid iyo murtad Dhabancad oo labaduba ka tirsan golaha dawaaqiidda kooxda Riddada, saraakiil iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dagaal ka dhan ah shareecada islaamka ka waday koonfurta wilaayada Mudug.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in xubnaha murtadiinta kala ah Qoorqoor, Cabdiqaybdiid iyo Dhabancad ay dhaawacyo kala duwan ku noqdeen camaliyadda, ilaalada masuuliyiintaasi murtadiinta ah iyo saraakiil ciidan ayaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday howlgalkan Istish-haadiga ah.