Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa daqiiqado ka hor warsaxaafadeed horudhac ah oo uu soo saaray ku faahfaahiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee hoostaga degmada Ceel-garas, halkaas oo cagta lagu mariyay maleeshiyaad murtadiin ah oo u badan kuwa uu Maraykanku soo tabobaray ee isku magacaabay Danab.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in saldhigyada la beegsaday ay ku sugnaayeen boqolaal ciidamo murtadiin ah, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalka ashahaado la dirirka ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu ka wadaan bariga wilaayada islaamiga ah Galguduud, mujaahidiintuna Allaah fadligiis u suuragashay in dagaal kooban kaddib, si buuxda gacanta ugu dhigaan dhamaan saldhigyadii ay murtadiintu ka samaysteen deegaanka Ceel Lahelay.
Taliska ciidanka ayaa si horudhac ah u xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu goobta dagaalka ku dileen 71 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo u badan murtazaqada Danab, maxaabiis murtadiin ah oo nool noolna ay gacnta ku dhigeen ciidamada mujaahidiinta, hub fara badan iyo gaadiid dagaal ayuu talisku sheegay inay mujaahidiintu kusoo furteen duullaankii Ceel-lahelay.