Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Mudug ee dhacda bartamaha Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday deegaanka Sargo ee dhaca duleedka Xinlabi ee wilaayada Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maleeshiyaad murtadiinta.
Saraakiisha murtadiinta ee ku sugnaa deegaanka Sargo waxaa ka mid ah taliyaha sirdoonka kooxda Riddada, murtad Mahad Salaad, saraakiisha ciidamada mujaahidiinta waxay xaqiijiyeen in dagaal kooban kaddib murtadiinta ay isaga carareen deegaanka, waxaa weerarkaasi lagu dilay 6 xubnood oo murtadiin ah oo uu ku jiray sarkaal halka ay ku dhaawacmeen 10 kale.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal xooggan oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan xabashida Itoobiya, kuwaasi oo ka baxay degaanka Yeed kuna sii jeeday degmada Waajid, waxaa la hubiyay bakhtiga 2 askari oo Itoobiyaan ah.
Waxey sidoo kale ciidamada mujaahidiintu 5 qarax iyo kammiin la beegsadeen kolonyo ciidamo xabashi ah, kuwaas oo ka baxay degmada Ceelbarde kuna sii jeeda degmada Xudur, khasaara dhimasho iyo mid dhaawac ah ayaa lagu gaarsiiyay xabashida, illaa iyo imika tiro rasmi ah lama helin.