Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar culus oo cagmarin ah ku qaaday ciidamo xabashi Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay duleedka degmada Rabdhuure ee wilaayada Bakool, halkaas oo uu imika ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada mujaahidiinta iyo saliibiyiinta xabashida.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada saliibiyiinta xabashida ee weerarka cagmarinta ah lagu qaaday ay ka yimaadeen gudaha dalka Itoobiya, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa inay soo badalaan ciidamada xabashida ah ee ku sugan degmada Waajid ee wilaayada Bakool.
Wararka horudhaca ah ee ka imaanaya wilaayada islaamiga Bakool waxay sheegayaan in cagta la mariyay xabashida lagu weeraray duleedka Rabdhuure, waxaana weli socda dagaal culus oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidanka xabashida.
La soco wixii soo kordha.