Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee saaka weerarka cagmarinta ah kula jarmaaday xerada ciidamada Itoobiya ay kaga sugnaayeen duleedka degmada Rabdhuure ee wilaayada Bakool, ayaa Allaah fadligiis gacanta ku dhigay ciidamo xabashi ah oo qayb ka ahaa saliibiyiinta lagu galay duleedka degmadaas.
Saraakiisha ciidanka mujaahidiinta ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo sheegaya in mujaahidiintu gacanta kusoo dhigeen ciidamo maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada xabashida, wariyaha idaacadda Andalus ee wilaayada Bakool Cabdiqaadir Rabbaani ayaa soo sheegay ciidanka la wareeray ay u qaybsameen kuwa la dilay kuwa gacanta lagu dhigay iyo kuwa firxaday.