Waxaa iska soo daba dhacaya wararka la xiriira jabka iyo naasabeelka ku dhacay ciidamada Itoobiya ee saaka lagu weeraray duleedka degmada Rabdhuure ee wilaayada islaamiga ah ee Bakool, halkaas oo tirada horudhaca ah ee dhimashada xabashidu ay marayso 167 askari.
Qof goobjooge ah oo ku sugan meel u dhow xeradii ciidanka xabashida Itoobiya lagu xasuuqay ee duleedka degmada Rabdhuure ayaa warbaahinta islaamiga ee Andalus u sheegay inay gacanta ku dhigeen askari Itoobiyaan ah oo kasoo firxaday goobihii lagu dagaallamay, isagoo xusay inay ka qaniimeysteen hubkii uu watay, dhanka kale goobjoogaha ayaa sheegay inuu indhihiisa saaray gadiidka dagaalka ee laga gubay xabashida.