Waxaa sii kordhaya numberka khasaaraha dhimasho ee ciidamada saliibiyiinta xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ciidamada mujaahidiintu kula beegsadeen duleedka degmada Rabdhuure ee ka tirsan wilaayada Bakool.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in numberka khasaaraha dhimasho ee ciidanka saliibiyiinta uu imika marayo 249 askari oo xabashi ah, kuwaas oo lagu dilay weerarka cagmarinta ah, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas kasii bato.
Mu’assada Al-Kataaiib waxay dhankeeda ballan qaaday in saacadaha nagu soo aaddan ay baahin doonto muuqaallo ka turjumayo halaaggii saliibiyiinta xabashida ku qabsaday duleedka degmada Rabdhuurre ee wilaayada islaamiga ah ee Bakool.