Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiintu waxay maanta markale silsilado qaraxyo ah la beegsadeen ciidamada xabashida Itoobiya, kuwaas oo maalinkii 5-aad ku socdaalaya inta u dhaxayso degmooyinka Ceel-barde iyo Xudur oo ka wada , waxaa la xaqiijiyay inay jiraan khasaare kala duwan oo la gaarsiiyay xabashida.
Dhanka Sh/hoose, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal culus oo qarax ah la eegteen kolonyo ka tirsan ciidamada kuffaarta Yugaandha, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaannada Golweyn iyo Danoow ee wilaayada Sh/hoose, qaraxaasi ayaana si wanaagsan u haleelay gaari Taw ah, kaasi oo gabi ahaanba goobta ku burburay.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa Xabsiga weyn ee magaalada Beladweyne, jugta qaraxaasi ayaana si wayn looga maqlay qaybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.