Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa soo saaray bayaan xog-waran ah oo uu kaga warbixinayo xaaladda deegaanka Booco oo 5 maalin ka hor marti geliyay weerar cagmarin ah oo si ba’an loogu xasuuqay xabashida Itoobiya, taliska ciidanka ayaa sheegay inay degan tahay xaaladda deegaanka Booco oo ah halka lagu xasmiyay xabashida, ciidamada mujaahidiintuna ay samaynayaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka.
Taliska ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho ee xabashida uu sii kordhay, ciidamada mujaahidiintuna ay maanta oo kaliya gacanta ku dhigeen maydad hor leh oo laga soo saaray dhulka baadiyaha, kuwaas oo tiradoodu gaarayso 35 xubnood oo xabashi ah.
Dhanka kale xafiiska warfaafinta mujaahidiinta ayaa ballan qaaday in goordhow mu’assasada Al-kataa’ib ay baahin doonto sawirro cusub oo ka turjumaya goobtii lagu dagaalamay iyo sida ay xaaladeedu tahay 5 maalmood kaddib dagaalkii dhacay.
Halkan Ka Degso Bayaanka Taliska Ciidanka.
Ama Hoos Ka Akhriso.