Dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Bacaadweyn ee ka tirsan wilaayada Mudug ee dhacda bartamaha Soomaaliya, waxaana halkaasi khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in dagaallada oo ahaa kuwa culus dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen 31 askari oo murtadiin ah.
Dhimashada maleeshiyaadka Riddada waa 10 askari, kuwaas oo maydadkooda la waray duleedka Bacaadweyn, halka sidoo kalena ku dhaawacmeen 21 kale, kuwaas oo ka mid ah maleeshiyaadkii murtadiinta ee maanta sida wayn loogu jabiyay duleedka degmada Bacaadweyn.