Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Bakool waxay weerar culus oo dhabbagal ah u dhigeen kolanyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta xabashida Itoobiya, kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Yeed, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyay mujaahidiinta iyo xabashida.
Weerarkan kamiinka ah ayaa si gaar ah uga dhacay waddada xiriirisa deegaanka Yeed iyo degmada Rabdhuure ee ka tirsan wilaayada Bakool.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaalladii xoogganaa ee maanta ka dhacay duleedka degmada Bacaadweyn ee wilaayada Mudug, khasaaraha dhimasho ayaa gaaray 15 murtad, kuwaasi oo lagu dilay goobta dagaalka, halka dhaawacana uu gaaray 24 kale.
Maleeshiyaadkii murtadiinta ee maanta lagu dilay dagaalladii dhacay waxaa ka mid ahaa sarkaal murtad ah oo ahaa abaanduulaha Ururka 13-aad ee maleeshiyaadka Riddada ee lagu soo tababaray waddanka Yugaandha, kaas oo lagu magacaabi jiray Shaakir Biixi, waxay sidoo kale mujaahidiintu dagaalladaasi kusoo qaniimeysteen hub isugu jiray AK47, BKM, iyo qoraha RBG-ga loo yaqaan.