Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Gedo ayaa howlgal culus oo qarax ah la beegsaday guriga uu degmada Beledxaawo ka dagganyahay xisaabiyaha maamulka Riddada ugu magacaaban degmada Beledxaawo, murtadka lagu magacaabo Xassan Ganeey.
Dhanka Banaadir waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Tareedisho ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxamed.
Dhinaca kale waxay ciidamada mujaahidiintu weeraro is-xig-xigay oo toos ah ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee maaya fuulka, iyo Daarfuur oo ka tirsan xaafadda Mursal iyo xaafadda Buulo-jameeco oo dhammaantood ka wada tirsan magaalada Baydhaba.
Weerarka lagu beegsaday xerada murtadiinta ee Daarfuur waxay mujaahidiintu Allaah fadligiis ku dileen hal askari oo murtad ah, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo uu ku jiro taliyihii haystay xerada oo lagu magacaabo Isxaaaq Nagis, waxay sidoo kale ciidanka mujaahidiintu weerarkan kusoo qaniimeysteen agabyo kala duwan, iyagoo saakana qarax ku burburiyay xeradaas, Weerarka ka dhacay xerada murtadiinta ee Buul-jameeco, markii uu muddo kooban socday waxaa saldhiggaasi isaga cararay maleeshiyaadka Riddada.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar kamiin ah u dhigeen kolonyo ciidamo xabashi Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay duleedka degmada Rabdhuure, waxaana xusid mudan in weerarkan jidgalka ah uu yahay midkii 2-aad oo saacad gudahood Xabashida Itoobiya lagula beegsado duleedka Rabdhuure.