Nabddoon Xaaji Roog oo ka mid ah waxgaradka wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa bogaadiyay howlgalladii u dambeeyay ee ay mujaahidiintu ku xasuuqeen ciidamada xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka murtadiinta ee ka kala dhacay wilaayaadka Bakool iyo Galgaduud.
Nabaddoonka ayaa isagoo warbaahinta kula hadlayay degmada Galcad ee gobolka Galguduud ayuu dhanka kale ka hadlay arrimo fara badan oo xasaasi ah.
Wuxuu beeniyay wararkii been abuurka ahaa ee laga faafiyay, kuwaas oo sheegayay in isaga lagu dilay gudaha degmada Galcad, xaaji Roog ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ku kadsoomin wararka beenta ah ee ay faafiyaan saraakiisha kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Xasan Sheekh iyo warbaahinta sumcadda xun ee gaalada u shaqeysa.