Howlgallo gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta siyaabo kala duwan uga fuliyeen wilaayaadka islaanmiga ah ee Gedo iyo Banaadir ayaa lagu khaarajiyay 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Riddada, kuwaas oo qayb ka ah howlgallada maalinlaha ah ee lagu ugaarsanayo murtadiinta.
Howlgalka koowaad oo ahaa mid qorsheysan oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka fuliyeen waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo waxay mujaahidiintu ku khaarajiyeen labo askari oo murtadiin ah o0 lagu kala magacaabi jiray Faarax xuseen cali Mire (Faarax Bajiiq) iyo Maxamed Cabdulqaadir Muxumad, waxaana horay looga qaniimeystay 2 qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.
Howlgalka 2-aad oo ahaa mid gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka fuliyeen suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay murtad la oran jiray Abshir Ganeey, oo ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan qeybta lagu soo tababaray waddanka Itoobiya.
Dhanka Bakool, faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay duleedka deegaanka Yeed lagula beegsaday kolonyo ciidamo xabashi Itoobiyaan ah, waxaana qaraxaasi lagu dilay 2 askari oo Itoobiyaan ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale.