Beesha Baada-cadde oo ka mid ah beelaha muslimiinta ah ee ku dhaqan wilaayada Banaadir ayaa caleema-saaratay nabaddoon cusub oo ku hoggaamiya ku dhaqanka shareecada islaamka.
Xaflad heer sare ah oo ay beeshu qabsatay ayay ku caleema saaratay nabaddoon Maxamed Cabdiraxmaan Muudey, kaasi oo ka mid noqday golaha dhaqanka islaamiga ah ee wilaayada Banaadir, waxaana xafladdaasi kasoo qayb galay marti sharaf kala duwan oo uu ugu horreeyo waaliga wilaayada islaamiga ee Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale.
Halkan Ka Dhagayso Barnaamij Gaar Ah Oo Ku Aadan Xafladda Caleema-saarka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.