Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka jihaada Sh/dhexe ayaa howlgal culus oo qarax ah deegaanka Cali Fooldheere ee dhaca duleedka degmada Mahadaay kula beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Somalia, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi lagu dilay 2 askari oo murtadiin ah, halka sidoo kale lagu dhaawacay 2 kale.
Dhanka kale ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose waxay dagaallo culus ku qaadeen xeryaha ciidamada kuffaarta Yugaandha ee Airport-ka degmada Baraawe iyo deegaanka Buur-colow oo ah deegaan dhaca duleedka degmadaasi Baraawe, waxaana si wayn loo maqlayay jabaqda rassaasta iyo hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsaday dagaalladaasi.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayadaasi weerar culus oo abaabulan ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta xabashida ee Airpor-ka degmada Baardheere, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa laga maqlayay xaafadaha degmadaasi, waana qayb ka mid ah howlgallada xiriirka ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan wilaayaadka dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah.