Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan magaalada Jaipur ee caasimadda u ah gobolka Rajasthan ee dhaca waqooyiga waddanka Hindiya, kaddib markii nin dhalinyaro muslim ah ay si naxariis darro ah u dileen koox Hinduus ah.
Qoyska wiilkan dhalinyarada ah ayaa xaqiijiyay in falkan ay ku kaceen koox burcad Hinduus ah oo wiilkooda u dilay arrimo la xiriira diintiisa xaniifka ah, goobjoogeyaal ku sugan Hindiya ayaana soo sheegay in Muxammed Iqbaal iyo walaalkii la weeraray xilli ay kusii jeedeen gurigooda, kaddib markii ay isku dhaceen baaskiil uu watay qof Hinduus ah.
Isku dhaca baaskiilka iyo mootada ayaa muran xooggan ka dhex dhaliyay muslimiinta ah iyo Hinduuska ah, taasi oo keentay in ninka Hinduuska ah uu u yeerto saaxiibadiisa, si ay isugu tagaan wiilkaasi dhalinyarada ah, waxayna kooxdaasi gaalada ah ee Hinduuska ah Iqbaal kula kaceen fal garaacis ah illaa ay naftu ka baxdo.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay weerarkaasi lagu beegsaday Iqbaal, muuqaalkaas ayaana muujinaya xaaladda adag ee uu ku sugnaa Iqbaal ka hor inta uusan geeriyoon.