Ciidamo ka tirsan jabhadda mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Jubbooyinka waxay maanta weerar culus oo qorsheysan ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin deegaanka Baarsanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismayao.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in weerarkaasi Allaah fadligiis lagu dhaawacay laba askari oo murtadiin ah, weerarkan ayaana qayb ka ah howlgallada xiriirka ah ee ay mujaahidiintu ku beegsanayaan madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaallo xooggan oo toos ah ku mireen saldhigyada ciidamada kuffaarta Uganda ee deegaanka Danow ee hoostaga degmada Qoryooley, iyo midka Riddada ee degmada Janaale.
Dhanka Baayna waxay mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee xero koowaad ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku mireen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin xarunta WFP ee magaalada Garbahaarrey, lama soo sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan weerarkaasi, maadaama uu weerarku dhacay xilli habeen ah.