Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen xaafadda KBB ee degmada Hodan ku khaarajiyay xubin ka tirsan ergadii soo dhistay xildhibaanada Riddada gaar ahaan kuwa laga soo doorto maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Koofur-galbeed, murtad Cismaan Maxammed Xasan Waarow.
Isla magaalada Muqdisho waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen guriga degmada Waaberi uu ka degganyahay mid ka mid ah xildhibaannada kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Xaaji Cali.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in murtadkan xildhibaanka ah uu si dirqi ah kaga badbaaday hiwlgalkan, balse uu qaraxaasi waxyeello xooggan gaarsiiyay gaarigiisa oo dhex yiilay gudaha guriga, kani ayaana qayb ka ah howlgallada millatari ee ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan caasimadda Somalia, kuwaas oo lagu beegsanayo madaxda iyo maleeshiyaadka Riddada.