Ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Mudug waxay maanta howlgal xooggan oo lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Gaadaay ee ka tirsan wilaayada Mudug, halkaas oo jab xooggan loogu gaystay murtadiinta.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta ee ku sugan jiidda hore ayaa Andalus u xaqiijiyay in dagaalladan oo ahaa kuwa aad u culus dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada, ku dhawaad 30 askarina looga dilay goobta dagaalka, halka kuwa kalena laga dhaawacay.
Khasaaraha dhimasho ee maleeshiyaadka Riddada kasoo gaaray dagaalladan inta la hubo waa 27 murtadiin ah oo uu ku jiray sarkaal ciidan, kuwaas oo Toddobo ka mid ah ay maleeshiyaadka murtadiinta maydadkooda uga carareen goobta dagaalka, dhaawaca ayaa sidoo kale ka badan numberka dhimasho.
Dhanka kale waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen gaari ciidan oo wayeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Wisil, faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaraxan.