Mujaahidiinta jamaacada Ansaaru Shariica ee ka jihaada waddanka Yeman ayaa howlgal culus la beegsaday kolonyo ciidamo ah oo uu la socday taliyaha ciidamada amniga gaarka ah ee murtazaqada u ah dowladda Imaaraadka.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayay mujaahidiintu la beegsadeen kolonyada Taliyaha ciidanka Amniga gaarka ah ee Xizaamul amni sareeye gaas Fadli Baacish, war kasoo baxay mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in howlgalkaan qaraxa ah loo adeegsaday gaari miineysan, kaasi oo la dhigay waddada dhinaceeda, Allah fadligiisna sidii loogu talagalay uu u beegsaday hadafkiisa.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkan uu yimid kadib muddo dheer oo dabagal iyo xuuraan lagu hayay sarkaalkan murtadka ah, waxayna intaas raaciyeen in howlgalkaan uu mujinayo in gacanta mujaahidiinta Allaah fadligiis ay gaareyso madaxyaweynta gaalada, sidoo kalena uu howlgalkaani fadeexeeyay beentii uu cadowga buunbuuniyayay ee ahayd in uu mujaahidiinta ka sifeeyay gobolka Abyan.
Dhanka kale warbaahinta ku hadasha afka maamulka waxay ugu yeeraan golaha kumeel gaarka ee koonfurta Yeman oo ah murtazaqada Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in sarkaalka la beegsaday uu dirqi uga badbaaday qaraxa.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Qarax Iyo Bayaanka.