Mid ka mid ah saraakiishii murtadiinta ee shalay lagu jabiyay dagaalladii xoogganaa ee mujaahidiinta iyo murtadiinta ku dhexmaray deegaanka Gaadday ee wilaayada Mudug, ayaa ka warbixiyay xasuuqii halkaasi loogu gaystay Riddada.
Sarkaalkan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa murtadiintii sida dirqiga ah uga badbaaday dagaalladan, balse waxa uu qiray in jab xooggan maleeshiyaadkiisa loogu gaystay ceelka Gaadday, saraakiil muhiim u ahaana looga dilay.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in dagaalladii lagu kala baxay ee shalay ka dhacay ceelka Gaadday Allaah fadligiis murtadiinta looga dilay 97 murtadiin ah oo uu ku jiray sarkaalkii hoggaaminayay maleeshiyaadkaas murtad Cali Naasir Cabdi Faarax iyo saraakiil kale oo muhiim u ahaa Riddada.