Khasaare lixaad leh oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay iska hor’imaadyo xooggan oo ka socda gudaha dalka Kenya, kaasi oo salka ku haya isqabqabsi xuduudeed oo u dhaxeeya dadka Kenyaanka ah ee wada dega ismaamullada Kisumu oo wada dhaca xeebta harada Victoria.
Iska hor’imaadyada u dhaxeeya qowmiyadaha Kenyaanka ah ee wada dega harada Victoria ayaa xooggooda ka socda tuulada Sondu, halkaas oo laga soo werinayo in lagu dilay ku dhawaad 10 qof, halka barakac xooggana uu ka socdo deegaannada ku xeeran.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in magaalada ay noqotay mid cidlo ah oo laga kala guuray, qaar ka mid ah xarumaha waxbarasho ee iskuullada ayaa xiran, waddooyinkuna waa kuwa bannaan oo haawanaya maalintii 3-aad oo xiriir ah, kaddib markii ay magaaladaasi ka qarxeen isku dhacyo qowmiyadeed.
Goobjoogeyaal ku sugan deegaanka ayaa soo sheegay in waddooyinka hareerahooda lagu arki karo dhowr qof oo laba laba ama saddex saddex u lugeynaya, kuwaasi oo sita fallaaro iyo Baangado, codka ay adeegsanayaan ayaana ah mid aad u hooseeya si aan loo beegsan, amni darrada jirta aawadeed.
Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay magaalada, sida ay soo sheegeen dad goobjoogeyaal ah, Monica Achieng oo 45 sano jir ah ayaa sheegtay in saygeeda oo 55 sano jir ahaa loo dilay si ka baxsan anshaxa bani’aadanimada, waxayna tiri”Ma garanayo meel aan ka billaabo sheekadayda, arbacadii waxay ninkeyga u dileen sida xayawaannada duurjoogta ah oo kale, waliba innagoo meel fog ka daawanayno, Kadibna waxay ka qaateen mooto uu watay, waxayna ka tageen isagoo meyd ah oo dhulka yaal.
Xaaladda ayaa wali cakiran, ciidanka booliska ee ismaamullada Kisumu iyo Kericho ayaa sheegay inaysan waxba ka qaban karin rabshahada ka socda gobolka, waxayna dowladda ka codsadeen inay ciidamo usoo dirto ismaamulladan si loo hakiyo isku dhacyada qowmiyadeed ee u dhaxeeya Kenyaanka.
Dowladda Kenya ayaa dhankeeda cutubyo ciidamo oo ka tirsan booliska gaarka ah gaysay gobolka si ay ula tacaalaan isku dhacyada sii kordhaya ee ka socda galbeedka magaalada Sondu oo ah magaalo ku teedsan xadka ismaamullada Kericho iyo Kisumu.
Waziirka arrimaha gudaha Kenya oo ka hadlayay xaaladda deegaanka ayaa yiri ” Nafaf badan ayaa la waayay, hanti waa la burburiyay, waxaana si weyn loo wiiqay kala dambaynta bulsho labadii maalmood ee la soo dhaafay,”.