Maamulka gumeystaha Yahuudda oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay u jabay millatari ahaan ayaa billaabay in uu beegsado goobaha danta guud iyo xaafadaha dadka rayidka ah ee kuyaal magaalada Ghaza ee Falastiin, halkaas oo ay ku shahiideen boqollaal qof oo muslimiin ah kuna burbureen masaajiddo, madaaris iyo dabaqyo ay ku noolaayeen caruurta iyo haweenka reer Falastiin.
Diyaaradaha Yahuudda ayaa markii ay arkeen jabkii millatari ee ku dhacay illaa imikana kusii socda, si ay culayskaas isaga weeciyaan waxay billaabeen duqaymo aan loo meel dayin oo ay ku beegsanayaan dadka shacabka reer Gazza, waxay dileen ku dhawaad 500 oo u badan caruur iyo haween, xalay illaa saaka oo kaliya waxay burburiyeen oo ay dhulka la simeen masaajiddo waawayn oo lagu cibaadaysto, madaaris wax lagu barto iyo guryoay deganaayeen dad rayid ah, madarasada la burburiyay waxay ka mid tahay madaaris ay u barakaceen 20,000 oo Falastiiniyiin ah, kaddib markii ay sii xoogeysteen duqaymaha.
Sawirro laga soo qaaday masaajidda, madaarista iyo guryaha dadka shacabka ah ayaa muujinaya burburka baaxadda leh ee ka dhashay duqaymaha wuxuushnimo ee Yahuudda.
Hoos Ka Daawo Beegsiga Yahuudda Ee Ka Dhanka Ah Shacabka Gaza.